Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka cunaqabatayn kusoo rogay shirkado waa weyn oo laga leeyahay Turkiga

Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogtay shirkado waa weyn oo laga leeyahay dalka Turkiga, kuwaa oo ay Mareykanka ku eedeeyeen in ay jabiyeen xayiraado ay kusoo rogeen dowladda Ruushka.

War kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay in cunaqabateyn kusoo rogeyn afar shirkadood oo fadhigoodu yahay Turkiga, waxa ayna sheegeen in shirkadahan gacan saar la lahaayeen Ruushka ayna gacan ka siiyeen dagaalka Ukraine ka socda.

Shirkadahan Mareykanka cunaqabateynta kusoo rogeyn ayaa waxaa kamid ah kuwa ka shaqeeya dhinaca tiknoolajiyada iyo elektarooniga, waxa ayna shirkadahan Mareykanka sheegeen in ay gacan ka geesteen gudbinta badeecado Ruushka laga xayiray.

Dowladda Turkiga ayaan wali wax war ah kasoo saarin cunaqabateynta Mareykanka kusoo rogtay shirkadaha fadhigoodu yahay Turkiga, waxaana la filayaa in arrintan war kasoo saarto wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

Turkiga ayaa ka shaqeeyay in uusan saameyn ku yeelan dagaalka ka socda dalka Ukraine, waxa ayna xukuumadda Ankara xiriir wali la leedahay labada dal ee dagaalku u dhaxeeyo ee Ukraine iyo Ruushka.

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado iyo cunaqabateyn kusoo rogtay 120-shirkadood tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka ku qaaday Ukraine, waxaana shirkadahan lagu eedeeyay in gacan saar la leeyihiin Ruudshka iyo madaxdooda .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka oo ku hanjabay inuu ka jawaabi doono dilka askartooda iyo Iran oo ku …

Cabdi Cade

Warbaahinta Kenya oo loo diiday xaquuqda Baahinta Caleemo saarka Madaxweyne Ruto

Cabdi Cade

Guddoomiye Mursal oo markii ugu horeysay ka hadlay kala dirista guddiga Maaliyada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---