Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi oo ay wehliyaan wasiirro ka tirsan XFS ayaa maanta booqday degmada qadiimiga ah Balcad oo ka tirsan Shabeellada dhexe.
Mudane Axmed Fiqi iyo wafdigan sare waxaa halkaasi si diirran ugu soo dhoweeyay maamulka degmadaasi oo dhacda 30km waqooyiga caasimadda Muqdisho.
Wasiirka Arrimaha Gudaha mudane Ahmed Moallim Fiqi ayaa ka warbixiyay safarkiisa iyo goobaha ay ka tageen degmada Balcad.
“Waxaan u mahadcelinayaa maamulka Hirshabelle gaar ahaan maamulka Shabeellada dhexe iyo maamulka degmada Balcad oo aan maanta joogno, sharaf weyn ayey noo tahay inaan soo booqanno magaalada qadiimiga ah ee Balcad, waxaan soo booqannay warshaddii, magaalada, sameynta webiga iyo waddadii weyneyd ee uu ka socotay mashruuca lagu geynayo Jowhar”.ayuu yiri Wasiirka
Mudane Ahmed Moallim Fiqi , Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta waxaa bogaadiyay horumarka ka jira Balcad isaga oo intaa raaciyay in laga shaqeyn doono horumarkeeda.
“Reer Balcad waxaa ay noo sheegeen in tan iyo markii ay howlaggalada bilowdeen ay degmada Balacqd ka nasatay weearadii iyo dhibtii ay ku hayeen kooxda Khawaarijta, horumar ayaan u rajeyneynaa degmada iyo dadkeeda iyo in hesho mashaariic ay ka mid tahay dib u dhiska Warshadii dharka”.ayuu yiri Wasiirka.
Waxaa uu sheegay in la dhameystiray wejigii koowaad ee dhismaha wadada Muqdisho iyo Balcad, uuna dhowaan bilaaban doono dhismaha wejiga labaad ee wadadaas ah inta u dhexeysa Balcad iyo Jowhar.
“Waxaan tagnay warshadii dharka Balcad oo ka mid ahaa warshadihii waaweynaa ee dalka, maamulka gacanta ku haya waxay inoo sheegeen in warshada %70 ay fiican tahay, ayna u baahan tahay dayactir, waxaana ka howlgaleynaa sidii aan dib ugu howlgelin laheyn” ayuu yiri wasiir Fiqi.
HOOS KA DAAWO SAWIRO IYO VIDEO.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com