Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Howlgalo ka socda Muqdisho iyo Rag dembi halis ah ku eedeysan oo la qabtay

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Heliwaa ee gobolka Banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay Eedeysanayashan ku eedeysan inay kufsi u geysteen gabarĀ  Soomaaliyeed.

Booliska oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay iney socdaan baaritaano ku saabsan kiiskan, isla markaana la horgeyn doono Cadaalada.

Waxaa lagu kala magacaabaa labada nin

1-Axmed Macalin Cabdi 22 Jir
2-Cali Axmed Nuur 33 jir .

“Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uu u taagan yahay Ilaalinta Nabadgalayada Guud” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dhinaca kale, Booliiska Qeybta Guud ee Gobolka Banaadir ayaa wada howlgalo lagu xaqiijinayo Amniga iyo Xasiloonida Caasimada.

Ciidanka Boliiska iyo kuwa Polizia Militare ee dhowaan lagu soo tababaray Ugandha ayaa iska kaashanaya sugida Amniga si dadku nabad ugu cibaadeysto. Howgaladan socon doona Ilaa inta Amniga laga xaqiijinayo.

Howgalaadaan ayaa ku soo aadaya Taliyaha Ciidanka oo tixgalinaya cabashada dadweynaha ee la xariira dhacdooyin amnidaro oo dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo sharci daro ku tilmaamay doorashada ka socota Ceelwaaq

Caydiid Ali

Saraakiil katirsan Wasaaradda Gaashaandhiga Mareykanka oo gaaray magaalada Hargeysa

Cabdi Cade

Keria Ibrahim oo isku dhiibtay ciidamada Itoobiya ee qabsaday Magaalada Makelle

Caydiid Ali
Taboola Ads ---