Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Somalia oo jawaab kulul siiyey Somaliland

Danjiraha dalka Shiinaha u fadhiya Somalia ayaa ka jawaabay qoraalkii ay saacado ka hor Somaliland ku garab isaagatay Taiwan.

War ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ku baahisay barteeda Twitter-ka ayaa lagu sheegay in Shiinuhu wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyad ah Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay inay Somaliland garab taagan tahay shacabka iyo dowlada Taiwanoo jasiirad yar oo ag taalla shiinaha.

Danjiraha Shiinaha u fadhiya Muqdisho oo ka jawaabaya arrintaas ayaa sheegay in Somaliland ay iska xar xariiqatay soohdin iyo xad aan jirin.

Waxaa uu lagu qoslo ku tilmaamay in xuduud laga sameeyo meel aan xuduud ahayn. “Dadka garaadka lihi guryaha dhexdooda xuduudo kama samaystaan” ayuu yiri danjiraha oo hadalkiisa ku baahiyey barta Twitter-ka.

Hadaladan ay isweydaarsadeen Somaliland iyo danjiraha shiinaha ee Somalia ayaa ku soo beegmaya xilli Shiinuhu dhoolutus milateri ka wado meel aan ka fogayn Biyaha gacanka Taiwan lagana baqdin qabo inuu weerar ku qaado.

Somaliland iyo Taiwan oo xiriir diplomaasi leh ayaa labadaba ka siman iney sheegtaan iney ka go’een dalalkii ay ka tirsanaayeen, isla markaana yihiin dowlado madax banaan hase ahaatee labadaba caalamka kama heystaan wax aqoonsi ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Arooskii qarniga ee Kulmiyey Madaxda Somalia iyo Somaliland oo ka dhacay Jabuuti (Sawirro)

Caydiid Ali

Dil caawa ka dhacay magaalada Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Xasan Xamsa Asad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---