Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Booliska Muqdisho oo qabtay Bajaaj lagu waday Maandooriye kala duwan (Sawirro)

Ciidanka Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay iney qabteen mooto Bajaaj lagu kala gudbinayey maandooriye kala duwan.

Booliska ayaa xusay in xabsiga la dhigay darawalkii waday iyo mootadiiba, maandooriyaha lala wareegay oo uu ku jiro khamriga.

“Caawa 12/04/2023 Abaara 10:20 AM, Ciidanka Boliiska Qeyta Bari iyo Ciidanka Boliis Militare oo howlgal wadajir ah ka wada  Dagmada Hiliwaa, ayaa soo qabtay, Mowliid Xasan Maxamud, iyo mooto uu ku waday maandooriye kala duwan” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay taliska Booliska gobolka Banaadir

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in darawalka la horgeyn doono Cadaalada ka marka uu dhamaado baaritaanka lagu sameynayo.

Booliska gobolka Banaadir ayaa qeybo ka mid ah magaalada ka wada howlgalo ka dhan ah, Maandooriyaha, ciyaal-weerada, burcada iyo kooxaha kale ee ku howlan falal amni darada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Dowladu waa iney bedeshaa siyaasada Maamulka dhulalka danta guud”

Caydiid Ali

Madaxtooyada oo War kasoo saartay Safarka Madaxweyne Farmaajo ku aaday Kenya

Cabdi Cade

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya labo beel oo kala dega Galmudug iyo Puntland oo socda

Cabdi Cade
Taboola Ads ---