Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo War kulul ka soo saartay dhoolatuska shiinuhu ka wado Taiwan

Maamulka Somaliland ayaa dalka Shiinaha ku eedayey inuu weerar ku yahay Taiwan oo sheegata iney tahay dal madax banaan balse shiinuhu diidan yahay isagoo sheegaya iney ka tirsan tahay

War ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku baahisay barteeda Twitter ka ayaa lagu sheegay in Shiinuhu u wado duullaan ka dhana Taiwan oo la qaddiyada Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in ay Somaliland garab taagan tahay shacabka iyo dowlada Taiwanoo jasiirad yar oo ag taalla shiinaha.

Warkan ka soo baxay Somaliland ayaa ku soo beegmaya xilli uu Shiinuhu dhoolutus milateri ka wado meel aan ka fogayn Biyaha gacanka Taiwan isla markaana laga baqdin qabo in uu weerar ku qaado.

Somaliland iyo Taiwan oo xiriir diplomaasi ayaa labadaba ka siman iney sheegtaan iney ka go’een dalalkii ay ka tirsanaayeen, isla markaana yihiin dowlado madax banaan hase ahaatee labadaba lagama aqoonsana caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Halista Balwada Sharadka Ciyaaraha 1Xbet ay ku waasheen dhalinyarada Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Hirshabelle oo soo bandhigtay Maxaabiis & Wararkii ugu dambeeyey shirka Muqdisho

Caydiid Ali

Shirkadda Apple oo malaayiin Dollar lagu ganaaxay iyo dambiga lagu helay oo la shaaciyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---