Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey xuska Maalinta 12ka Apriil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo ku aaddan 12-ka April u diray Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Xassan Shiikh ayaa ka hadlay sababta sanadkan loo baajiyey munaasabadii loo sameyn jiray sanadguurada aasaaska ciidanka xoogga dalka

“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka Waa maalin ku asteysan sanadguuradii la xusay ayadoo halgaln lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse  lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada”

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sanadkan munaasabaddan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay kusoo aadday waqti aad muhiim u ah.

Wuxuu sheegay in sanadkan lagu xusayo dagaal, dib u xoreynta dalka soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu geesiyaasha Ciidanka xoogga dalka iyo qoysaskooduba mar kale ugu hambalyeeyay xuska 12-ka April, wuxuuna xusay in taariikhda ay maanta samaynayaan Ciidanka ee la dagaallanka Al-shabaab ay tahay mid qormayso lana xusi doono.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aaday xili dhowaan ciidamada DF oo kaashanaya shacab hubeysan ay bilaabeen wajiga labaad ee howlgalka lagu soo afjarayo Al-shabaab, kaasoo qorshuhu yahay in guud ahaan dalka looga sifeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Wasiir katirsanaa Xukuumadda Soomaaliya oo is casilay kana hadlay Sababta (Akhriso)

Cabdi Cade

Madaxweyne Trump oo eedeyn kulul u jeediyey shirkadda Google

Caydiid Ali
Taboola Ads ---