Ciidamada booliiska Bangaladesh aya axabdiga dhigay Imaam Masaajid iyo saddex oday deegaan , kaddib markii lagu eedeeyay in ay sabab u ahaayeen in dhagxaan lagu weeraro haweeney 30-jir ah oo lagu eedeeyay iyada oo la qabo in nin kale xiriir la sameesay.
Booliiska ayaa sheegay in ay xireen Imaamka masaajid lagu magacaabo Habiganj oo kuyaalla waqooyi bari dalka Bangaladesh, kaddib markii uu fatwooday in dhagax lagu dilo haweeneyda xiriirka la sameesay nin kale iyada oo ninkeeda safar dibadda ku maqnaa.
“Kadib markii aan galnay dacwadda, waxa aanu xirnay wadaadkii deegaanka ee fatwada bixiyey. Waxa kale oo aanu xirnay saddex oday tuulo oo ka tirsan golaha aan rasmiga ahayn, oo loo yaqaan ‘shaliish’, kuwaa oo qeyb ka ahaa qorshaha weerarka haweeneyda ” ayuu yiri Zakir Hossain oo ah kormeere katirsan booliiska Bangaladesh.
Sargaalkan ayaa sheegay in wadaadka iyo odayaasha deegaanka isku raaceen in shareecada la marsiiyo dhagaxna lagu dilo haweeneyda 30-jir ah ee lagu eedeeyay in darawal gaari xiriir la sameesay iyada oo marwo ah.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com