Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Antonio Guterres oo Baydhabo u gudbay, booqdayna xeryaha barakacayaasha

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay.

Guterres ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhoweeyay Ku-simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Marwo Shamso Maxamed Yarow, Wasiirka Gargaarka, Wasiirka Dekadaha, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Gudoomiyaha Degmada Baydhabo.

Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Waxaa uu Kormeer ku maray qaar kamid xeryaha ay dagan yihiin dadka Barakacayaasha ee ay saameysay Abaarta daran ee ku dhufatay dalka isagoo wareysi la xiriirta xaaladooda nololeed la yeeshay qaar ka mid ah barakacayaasha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo saaka booqasho ku yimid magaalada Muiqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweyaha Somalia Xassan Shiikh iyo masuuliyiin kale.

Amaanka magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyey iyadoo ciidamada ATMIS iyo kuwa gaarka ah ee QM ay sugayeen amniga wafdigan culus

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

R/W Xamse Barre oo faragaliyay Dagaalkii Boosaaso Ballanqaadna u sameeyay Xildhibaano

Cabdi Cade

Dad shacab ah oo Dil iyo afduub maanta loogu geestay Laanta Buuro 

Cabdi Cade

Madaxweynaha Iran & xubnihii la socday oo weli nolol & geeri lagu la’yahay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---