Shirkii joogtada ahaa ee Golaha Amniga Deegaanka Soomaalida ayaa lagaga wada hadlay dib-u-habaynta ciidanka xoogga gaarka ah ee Liyu Boolis iyo nidaamka cusub ee ay u shaqayn doonaan.
Waxaa shirkan ka qeyb galay Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo saraakiil ka tirsan laamaha amaanka
Hoggaanka Nabadgelyada DDS, mudane Dayib Axmed Nuur oo kulankan kaddib waraysi siiyay Warbaahinta Deegaanka ayaa sheegay in aysan waxba iska badalaynin darajadii, mushaarkii, qalabkii iyo hawlagaladii amni ee ay hayeen ciidamada gaarka ah balse magac ahaan iyo maamul ahaan ay noqonayaan Ciidanka Booliska Deegaanka iyaga oo jooga goobahoodii ay ka hayeen sugida amniga shacabka. Qorshahana uu yahay mid guud ahaan deegaannada dalku ay ka siman yihiin.
Golaha wasiirrada Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa shalay ansixiyey qorshaha lagu meel marinayo dib u habeynta booliska deegaanka lagu sameynayo oo qaybta ka ah qaab dhismeedka amniga qaranka dalkaas.
Shirka 12-aad ee caadiga ah ee golaha wasiirrada deegaanka ayaa dhegeystay warbixin ku saabsan sida la isu waafajinayo qaab dhismeedka amniga qaranka iyo tan dowlad deegaannada.
Warmurtiyeed ka soo baxay xafiiska nabadgalyada DDS waxaa lagu sheegay, ‘dib- u-habeynta ciidanka lagu sameynayo iney ahayn mid baabi’inaysa ama meesha ka saaraysa cududdii jirtay balse ay tahay mid wax ka baddalaysa qaab-dhismeedka, ciidamaddi jirayna ay sii jirayaan iyagoo wax is baddal ah uuna ku imanayn mushaharkooda, tasiilaadka ay haystaan ee kala duwan iyo waajibaadka sugidda amniga ee ka saaran deegaanka.
Golaha Wasiirada DDS oo uu hoggaamin hayo Madaxweyne Mustafa Omer, ayaana cod-buuxa ku ansixiyay. Qorshahan ayaa ah in Ciidanku afar doorasho haystaan oo kala ah,
1) Inay Ciidanka Militariga dalka Itoobiya ku biiraan.
2) Inay Ciidanka Federalka Booliska dalka ku biiraan.
3) Inay Ciidamada Booliska Deegaanka ku biiraan.
4) Inay nolasha bulshada ee caadiga ah ku biiran, oo ay shaqo Aan Ciidanka ahayn raadsadaan.
Deegaanka Soomaalida ayaa ka mid noqday Deegaannada ugu horreeyay ee meelmariya qorshahan dibu-habaynta Ciidamada Liyuuga.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ