Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Xamse Barre & Danjire Abdalla Bin Salim Al-Nueymi? (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nueymi.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo arrimaha bini’aadanamida oo Dowladda Qatar ay ka gacan siiso Soomaaliya.

Xamse Barre ayaa danjiraha uga mahad celiyey dedaalka dowlada Qatar ugu jirto garab istaaga shacabka Soomaaliyeed xiliyada adag iyo mashaariicda ay ka fulisay, welina ka wado Somalia.

Danjiraha Dowladda Qatar ee Soomaaliya Mudane Cabdalla Binu Saalim Al-Nueymi ayaa isna sheegay in dowladiisu ay mar walba diyaar u tahay iney xoojiso kaalmada iyo mashaariicda ay ka wado dalka, ayna sii wadi doonaan inta Somalia cagaheeda isku taageyso.

Dowlada Qatar ayaa ka mid ah dowladaha Khaliijka ee saameynta adag ku leh Soomaaliya, waxayna dalka fulisay mashaariic fara badan oo wax tar u leh bulshada, iyagoo ka qeyb qaata arrimaha gargaarka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Midowga Afrika oo ka qeyb qaadanaya howlgalka dalka looga saarayo Al-shabaab

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada K/Galbeed oo dalab xasaasi ah u diray Laftagareen

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo & dhigiisa Erdogan oo khadka telefanka ku wada hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---