Haweeney 78 jir oo horay loogu soo oogay laba dacwadood oo la xiriira tuugnimo ayaa mar seddexaad loo xiray dhac kale oo ay bangi u geystay sida uu sheegay Booliska Missouri ee dalka Mareykanka.
Bonnie Gooch waxaa lagu soo eedeeyey iney gashay xarunta bangiga Goppert, kaddibna ay gudbisay warqad ay ku dalbaneyso in la siiyo kumannaan dollar oo caddaan ah.
Warqad ay ku qoran tahay “Mahadsanid iga raalli noqo ujeedkeygu ma ahayn inaa ku cabsi geliyo” ayey uga tagtay shaqaalaha bangiga ka hor inta aysan la baxsanin lacagta oo gaareysay 25,000 kun oo Dolllar.
Markii ay Bangiga dhaceysay waxay xirneyd maaskarada N95 oo sanka iyo afka lagu daboolo, okiyaale madoow iyo gacma-gashi madow, si aan loo aqoonsan.
“Shaqaalaha lacagaha bixiya ee bangiga waxay Gooch u dhiibtay warqad ay ku qoran tahay waxaan doonayaa ugu yaraan 13,000 oo dollar,” ayaa lagu yiri dacwadda haweeneyda.
Kaamerada CCTV ayaa duubtay Muuqaal muujinaya haweeneyda oo hal mar garaacaysa miiska si ay shaqaalaha bangiga ay u cabsi geliso, amarna ku bixinaysa in si degdeg ah loo siiyo lacagta caddaanka ah ee ay dalbaneyso.
Booliska ayaa soo qabtay haweeneydan iyadoo gaarigeeda ku dhex jirto khamrina uu ka soo urayo, lacaga caddaan ahna gaariga dhexdiisa ku daadisay.
Booliska markii ay haweeneyda u soo dhawaadeen aad ayey ula yaabeen maxaa yeelay qof dhalinyara ah ayey meesha ka filayeen waxaana uga soo baxday haweeney da’ ah, iyagoo xusay in marki hore uu shaki ka galay in qofka la hayo uu yahay dembiilihii saxda ahaa.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com