Shaqaalaha samatabixinta Faransiiska ayaa meyd lixaad ka helay burburka dhismayaal ku yaalla koonfurta magaalada Marseille ee dumay ka dib markii uu qarax ka dhacay, sida uu sheegay afhayeen u hadlay booliska Isniintii.
Maamulka ayaa horay u sheegay in ay ogaadeen 8 qof oo la la’yahay qarax dhacay, kaasoo burburiyay labo dhismo oo la daganaa, halka mid seddexaadna uu qeyb ka mid ah dumay. Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay qaraxa.
“Helitaanka maydadka ayaa ah mid laga xumaado, adag oo cajiib ah,” ayuu yiri wasiirka guryeynta Olivier Klein, oo wariyeyaasha kula hadlayay magaalada Marseille, isagoo intaa ku daray in dowladdu ay waajib ku tahay inay taageerto dhibanayaasha, qoysaskooda iyo kuwa laga soo saaray guryahoodii.
Hawlgallada samatabbixinta ayaa ku socda “dardar iyo go’aan” 40 dhismo oo u dhow goobta ayaa laga saaray dadkii ku jiray, ayuu raaciyay.
Burburka ayaa sababay dab kaas oo adkeeyay dadaalada samata bixinta. Shan qof ayaa loo qaaday isbitaalka iyagoo qaba dhaawacyo balse aan ahayn kuwo halis ah.
Sannadkii 2018, oo qiyaastii 1 km (0.62 mayl) u jirta goobta dhismayaasha Marseille, saddex dhisme oo kale oo loo tixgeliyey inaanay ku habboonayn deegaan ayaa dumay iyagoo dilay siddeed qof.
Duqa magaalada Marseille ayaa sheegay in wax barbar socda aan la sameyn karin, halka dacwad oogaha uu sheegay in dhismayaasha dumay aan la ogeyn inay dhibaato ka qabaan qaab dhismeed, waxaana la baarayaa qaraxan oo la badinayo inuu ka dhashay gaaska cuntada.
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2023/04/10e6df6_5969234-01-06.jpg?resize=1400%2C933&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2023/04/2023_04_11_137490_1681175276._large.jpg?resize=1360%2C907&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2023/04/20230410_1681122102-407.jpeg?resize=1000%2C666&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2023/04/000_33CY27A.webp?resize=855%2C569&ssl=1)
![](https://i0.wp.com/www.allbanaadir.org/wp-content/uploads/2023/04/marseille-building-collapse-feat.webp?resize=744%2C495&ssl=1)
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com