Allbanaadir.com
NEWS

Doon sida boqolaal tahriibayaal ah oo qarka u saaran iney quusto iyo gurmad loo diiday

Doon sida ku dhawaad 400 oo tahriibayaal ah ayaa ku luntay meel u dhaxaysa Malta iyo Greece, iyadoo biyuhu ay gudaha u galayaan doonta.

Dhacdadan ayaa waxaa sheegay Ururka Alarm Phone, oo si firfircoon uga qayb qaata hawlaha samatabixinta muhaajiriinta ee badda Mediterranean-ka, iyadoo ay kor u kacday tirada doomaha sida muhaajiriinta.

Doonidan ayaa ka soo ambabaxday magaalo nku taalla xeebaha Liibiya ayaa ku sii jeeday qaarada Yurub oo aalaaba tahriibayaashu ay beegsadaan.

Ururka Alarm Phone ayaa intaas ku daray in dadka saaran doonida ay ku jiraan caruur iyo haween u baahan gurmad deg deg ah iyo in la badbaadiyo naftooda oo halis wajaheysa.

Waxaa ururku sheegay in doonida uu ka dhamaaday shidaalkii, qeybaha hoose ay soo galeen biyo fara badan oo hadii ay sii socdaan keeni iney quusto.

Doonida waxay haatan joogtaa meel aan wax badan ka fogeyn xeebaha Malta, waxaa u dhow labo markab oo kuwa ganacsiga ah oo isku dayey iney u gurmadaan hase ay ahaatee waxaa talaabadaas u diiday dowlada Malta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo Tababar cusub ku celisay Ciidankii ay horey u tababareen Imaaraadka

Cabdi Cade

(Akhriso) Maamulka Galmudug oo ka hadlay dagaalkii xalay ka dhacay Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo kusii jeeda Imaaraadka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---