Toogasho ka dhacday dhismo bangi oo ku yaalla bartamaha magaalada Louisville ee dalka Mareykanka ayaa lagu dilay shan qof ugu yaraan lix kalena waa lagu dhaawacay, sida ay booliisku sheegeen.
Ninka la tuhunsan yahay inuu toogtay dadka ayaa isna dhintay, sida ay booliisku sheegeen.
Ku-xigeenka madaxa waaxda booliska ee magaalada Louisville Paul Humphrey ayaa u sheegay saxafiyiinta goobta soo gaaray in ay la kulmeen rasaas firfircoon oo lagu dhex ridayey goobta xiligaas.
“Qofkii toogashada geystay ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay goobta,” ayuu yiri Humphrey. “Ma garanayno sida saxda ah xaaladaha geeridiisa wakhtigan, balse waxay u badan tahay inuu isdilay” ayuu intaas ku daray.
Humphrey waxa uu sheegay in ugu yaraan lix qof oo dhaawac ah oo uu ku jiro hal askari oo booliis ah la geeyey Isbitaal balse aanu wax faahfaahin ah ka hayn xaaladooda.
Goob joogayaal ka baxay dhismaha ayaa u sheegay TV-ga Louisville ee WHAS-TV in ay maqleen rasaas ka dhacaysa gudaha dhismaha, waxaana muuqaalada taleefishinada ay muujinayaan gawaari badan oo booliis ah oo aaggaasi ku sugan.
Bartiisa twitter-ka ayuu gudoomiyaha gobolka Kentucky Andy Beshear ku sheegay in uu ku sii jeedo goobta uuna ka xun yahay waxa dhacay.
“Fadlan u ducee dhammaan qoysaska ay saamaysay toogashada magaalada Louisville,” Beshear ayaa yiri.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
FBI-da ayaa sheegtay in wakiiladeeda ay sidoo kale ka jawaabayeen toogashada.
Toogashada ayaa ka dhacday dhismo ku yaala East Main Street oo aan ka fogayn Louisville Slugger Field iyo Waterfront Park.