Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo baaraya Dokumentiyo sir ah oo baraha bulshada lagu faafiyey

Dowladda Mareykanka ayaa qiimeyneysa sida dokumentiyo sir xasaasi ah oo la dusiyey ay u saameyn karaan amniga qaranka, waxaa sidaas Axaddii sheegay Pentagon-ka.

Dokumentiyada la dusiyey  oo ay baareyso Waaxda Cadaaladda ayaa u muuqda inay ku jiraan qiimeyn iyo warbixino sirdoon oo qarsoodi ah, oo aan taabaneyn kaliya Ukraine iyo Ruushka, balse fallanqeynaya xulufada Mareykanka.

Inkasta oo Waaxda Difaaca ay weli baareyso sax ahaanshaha dokumentiyada oo wareegaya baraha bulshada, haddana “waxay u muuqdaan inay ku jiraan xogo aad sir iyo xasaasi u ah,” waxaa sidsaas tiri Xoghayaha Warbaahinta ee Pentagon-ka Sabrina Singh oo bayaan soo saartay.

“Waxaa la billaabay dadaal hay’adda gudaheeda ah, oo diiradda saaraya qiimeynta saameynta ay dokumentiyada ku yeelan karaan amniga qaranka Mareykanka, xulufadeena iyo saaxiibadeena,” ayey tiri Singh.

Waaxda Cadaaladda ayaa Sabtidii sheegtay inay arrintan xiriir kala sameysay Waaxda Difaacca, islamarkaana la furay baaritaan.

Dokumentiyada ayaa lagu baahiyey Twitter, Telegram, Discord iyo baraha kale ee bulshada maalmihii tegay, waxaan weli soo shaac baxaya kuwa cusub.

Saraakiil Mareykan ah ayaa u sheegay Wasington Post in qaar ka mid ah dokumentiyada ay u muqudaan kuwa wax laga beddelay, balse badankood ay waafaqsan yihiin warbixinada qiimeynta dunida ee CIA-da ee lala wadaagay Aqalka Cad, Pentagon-ka iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Dadka fallanqeeya arrimaha difaaca ayaa sheegaya in dusinta caynkan oo kale ah ee dokumentiyada sirta ah ay waxyeelo iyo ceebeyn weyn gaysan karaan.

Waxay sidoo kale kuwa aad u qiimo badan u noqon karaan Moscow, oo ay tusin karaan sida qotada dheer ee sirdoonka Mareykanka ay u dhex-galeen madaxda militariga Ruushka.

Dokumentiyada qaar ayaa sidoo kale waxaa ku jira akhbaar ku saabsaan doodaha ka dhexjira dowladaha xulufada la ah Mareykanka.

VOA/AFP

 

Related posts

Guddoomiyihii Gobolka Gedo ee DF oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo lagu bedelay

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Heshiiska ay gaareen Dowlada iyo Ahlu Sunna

Cabdi Cade

Dowlad Carbeed oo si wadajir ah u casuuntay Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---