Allbanaadir.com
NEWS

Axmed Madoobe oo isaga oo xiran Darees Milatari booqday deegaanno laga saaray Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta booqasho Ku tagay deegaanadii u danbeeyay ee laga xoreeyay kooxda Al Shabaab oo kuyaalla gobolka Jubada Hoose.

Deegaannada oo ay gacanta ku hayaan Ciidamada kala duwan ee maamulka Jubaland ayaa kala ah Aw qumbaale, Ceelcad, Canjeel, harboole iyo Janaa Cabdalle oo kooxaha Argagixisada ah ay ku dhibaatayn jireen dadka shacabka ah.

Madaxweynaha  Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo la hadlay cutubyo katirsan Ciidamada kala duwan ee Dowlada Jubaland ayaa sheegay in dadka ku nool deegaanada la xoreeyay ay heleen Nabad iyo xornimo loona baahan yahay in deegaannada kale ee wali argagixisadu ay joogaan in la gaarsiiyo hormarka dowladnimada.

Waxaa Madaxweynahu uu intaas ku daray in Markii la xoreeyay Deegaanka Jannaa Cabdalle iyo deegaanada ku xeeraan ay dadka deegaanku ku farxeen garab istaagii ay u muujiyeen Ciidamada qalabka Sida taas oo ay kamid ahayd dib u howlgalinta ceelasha biyaha iyo inay saadkooda wax ka siiyaan dadka Deegaanka kahor Inta aanay halkan iman hay’adaha kale ee Dowlada.

Madaxweynaha ayaa sheegay in howlgalada dib u xoraynta ay sii socon doonan isla markana la dardar galin doono maalmaha soo socda si neecoowda Dowladnimo loo gaarsiiyo guud ahaan deegaanada Jubaland.

Related posts

Muwaadin kale oo Soomaaliyeed oo si arxan darro ah loogu dilay dalka Canada

Cabdi Cade

Buundooyin kuyaala Muqdisho oo dib u dhis lagu sameenayo (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wasiir Carbeed oo xilkiisa ku waayay Wareysi caro badan abuuray uu bixiyay !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---