Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa abaabul dagaal oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ka wada qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, xilli la filayo in uu si rasmi ah u bilowdo wajiga labaad ee howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa shalay kormeer dhiiro-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kuwaa oo loo diyaariyay bilaabida howlgalo cusub.
Waxa uu taliyaha ciidamada kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa howlgal cusub oo la doonayo in lagu soo afjaro kooxda Al Shabaab, waxa uuna ku ammaanay ciidamada doorkii ay ka qaateen howlglka wajigii koobaad oo Al Shabaab looga saaray deegaanno badan.
Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sidoo kale kormeer dhiiro-gelin ah ku tagay saldhig ay ciidamada macawuusleyda ku leeyihiin deegaanka Goobo oo kuyaalla duleedka Maxaas, waxa uuna ciidankaasi iyana kala hadlay howlgalada cusub iyo doorka ay ka qaadanayaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheeneysa in la bilaabo wajiga labaad howlgalo culus oo la doonayo in Al Shabaab looga saaro deegaannada ay ka joogaan gobolada Dhaxe ee dalka ,gaar ahaan Hiiraan iyo Galgaduud.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com