Allbanaadir.com
NEWS

Maxbuus si cajiib ah uga baxsaday xabsi uu ku xirnaa oo la qabtay isaga iyo Saaxiibtiis !

Booliska dalka Tanzania ayaa shaaca ka qaaday inay xabsiga dhigeen nin u dhashay dalka Koonfur Afrika, kaas oo ay baadi-goobayaan laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika, ka dib markii uu ka soo baxsaday xabsi ku yaalla dalkaas, isaga oo loo haysto dil iyo kufsi.

Saraakiisha ammaanka ee Koonfur Afrika ayaa u safraya dalka Tanzania, si ay ula soo wareegaan maxbuuska baxsadka ah ee Thabo Bester oo 35 jir ah.

Thabo Bester, ayaa u adeegsan jiray baraha bulshada inuu ku soo jiito haweenka, isaga oo kufsaday ugu yaraan laba ka mida haweenkaas, mid kalena dilay. Bester ayaa xilligaas ka dib ay soo qabteen laamaha ammaanku, waxaana la saaray maxkamad, iyada oo lagu xukumay xabsi daa’in sannadkii 2012.

Bishii May ee sannadkii hore, Thabo Bester ayaa degay qorshe cajiib ah si uu xabsiga uga baxsado, wuxuuna iska dhigay inuu ku dhintay dab ka kacay qayb ka mid ah xabsiga .

Booliska oo goobtaas ka helay meyd gubtay ayaa u maleeyey in Thabo Bester uu halkaas ku geriyooday, sidaas ayaanay diiwaanka ku geliyeen.

Hase ahaatee xilliyo dhowayd ayay soo baxeen wararka sheegaya in Thabo Bester lagu arkay magaalada Johannesburg, booliska ayaa xilligaasi dib ugu noqday meydkii ay ka heleen dhismaha gubtay, iyaga oo ka qaaday DNA, waxayna ogaadeen inaanu ahayn Thabo Bester, qofka goobtaas ku geeriyooday.

Laba toddobaad ka hor ayaa booliska South Africa waxay ku dhawaaqeen in la soo xidho Bester, iyaga oo baadhitaan ka sameeyey guryo badan oo ay u tuhmayeen oo ku yaalla Johannesburg, hase ahaatee laguma guulaysan.

Ugu dambayn waxaa Bester lagu qabtay dalka Tanzania, isaga iyo saaxiibadiis Nandipha Magudumana, oo ah dhakhtar caan ah oo haysata dhalashada Mozambique, waxaana la rumaysan yahay inay ka caawisay inuu ka gudbo xuduudaha, si uu uga baxsado laamaha ammaanka ee dalka Koonfur Afrika.

Source Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saameyn intee la’eg ayuu ku yeeshay Covid 19 ganacsiga Soomaalida Nederlands.?

Caydiid Ali

In ka badan 200 oo arday oo Deeq Waxbarasho ka helay dalka Itoobiya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

DF oo dalka ku soo celisay tahriibayaal ku xirnaa dalka..(Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---