Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khasaare ka dhashay duqeyntii Villa Soomaaliya iyo hoobiye ku dhacay hoyga Wasiirka..

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay Madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku dhacay Xaafado gudaha Villa Somalia iyo xaafado ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho

Madaafiicdan oo aan la ogeyn halka laga soo tuuray ayaa jugtooda laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah waxay ku dhaceen dhismaha uu gudaha Madaxtooyada ka degan yahay Wasiirka Batroolka Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed, waxaana ku dhintay laba qof oo uu ka mid ahaa Madaxa ilaalada Guriga Wasiirka oo lagu Magacaabi jiray Axmed Cabdullaahi Muumin.

Waxaa sidoo kale ku dhaawacmayn Mahad Aadan Boorow & Muuse Cadde oo ka mid ahaa ilaalada wasiirka sida ay Allbanaadir Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo kala duwan.

Guriga Wasiirka Batroolka ee uu Hoobiyaha ku dhacay ayaa ku yaalla bariga xarunta Villa Somalia isagoo ku dhow Hotelka Villa Reys ee uu hadda ka hor weerarka ka dhacay.

Saddex qof oo shacab ah ayaa sidoo kale ku dhaawacmay hoobiye kale oo ku habsaday guri ku yaalla agagaarka Iskuulka 15-May oo kaabiga ku haya Villa Somalia.

Laamaha Amniga dowlada Soomaaliya oo weli ka hadlin weerarka Hoobiyeyaasha ah ayaa u muuqda kuwo u maaro waayey ka hortaga weerarada madaafiicda ah ee ka dhaca Muqdisho oo mudooyinkan ahaa kuwo si joogto ah u soo laalaabanayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Weriye ka tirsan Idaacadda VOA oo la dhigay xabsiga Magaalada Baydhabo

Caydiid Ali

Safiirka Itoobiya u magacawday Somaliland oo war cusub sheegay

Cabdi Cade

Iran oo duqeysay Magaalo ku taalla Ciraaq iyo Mareykanka oo si kulul uga hadlay

Caydiid Ali