Taliska boliiska qeybta guud ee gobolka banaadir ayaa gacanta ku soo dhigay eedeysane isaga oo dhac geysanaya muuqaalkiisu baraha bulshada ku baahay.
kaamirada qarsoon ee CCTV ayaa qabatay eedeysanaha la qabtay oo ka mid ah rag hubeysan oo dhac ka geysanayey Dukaan ku yaalla degmada Hodan, iyagoo ka qaatay tiro mobile ah.
HOOS KA AKHRUSO QORAAL KA SOO BAXAY TALISKA BOOLISKA
Shalay 08/Apr/2023 abaare 14:14 duhurnimo, ayaa Degmada Hodan gaar ahaan Waaxda Octobar lagu dhacay dukaan lagu magacaabo Gaashaan 2, sida Baraha Bulshada ku baahay waxaa dhaca geystay edeysaneyaal ku la bisan dhar Ciidan.
Muqaalka falka dhaca ahaa oo ku baahay baraha Bulshada, ayaa u suurta gashay Saldhiga Boliiska Degmada Hodon inay gacanta ku soo dhigaan eedeysanaha 1-aad oo hubka lagalay dukaanka dhacayna muwaadiniinta Soomaaliyeed. Wallow, Kuwii kale lagu raadjoogo.
Cadadka teleefoonada ah ee lagu eedeyay ayaa ahaa ilaa 3 mobail oo ka la ahaa A32, A13 iyo A33.
Ummadda Soomaaliyeed, waxaan u xaqiijinaynaa in eedeysanuhu gacanta Boliiska ku jiro cadaaladana uu wajahayo.
Cidii aragtaa fal amniga lid ku ah hala soo xariiraan numberka gaaban ee 991 ee adeega Gurmad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Mahadsanidiin.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.comÂ