Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wafdi ka socda Sacuudiga oo gaaray Sanca & dagaalkii Yemen oo la soo afjarayo (Sawirro)

Wafuud ka socday dalalka Sacuudiga iyo Cummaan ayaa gaaray magaalada Sanca ee caasimadda Yemen, si looga wadaxaajoodo xabbad-joojin rasmi ah iyo in la soo afjaro faragelinta militariga Sacuudiga ee dagaalka muddada ka socda dalkaasi.

Booqashadan ayaa muujineysa in wadahadallada ay garwadeenka ka tahay Cummaan ee u dhexeeya Riyadh iyo Sancaa ay horumar sameynayaan, dadaalkaasi oo ka barbar socda mid nabadeed oo ay waddo Qaramada Midoobay.

Dadaallada nabadeed ayaa sidoo kale waxaa ay dardar galeen ka dib markii ay dalalka aadka isku haya ee Sacuudiga iyo Iiraan ku heshiiyeen in ay dib u soo celiyaan xiriirkoodii dublumaasiyadeed heshiis uu Shiinuhu dhex dhigay, iyadoo la ogyahay in Iran ay taageerto kooxda Xuuthiyiinta Yemen.

Ilo wareed kale ayaa u sheegay Reuters in wadahadalka Sacuudiga iyo Xuutiyiinta xoogga lagu saarayo in si buuxda dib loogu furo dekedaha ku yaalla goobaha ay Xuutiyiintu maamulaan, iyo garoonka diyaaradaha Sancaa, mushaaraadka shaqaalaha dowladda, dadaallada dib u dhiska, iyo muddada ay ciidamada shisheeye kaga baxayaan dalkaasi.

Sida ay warisay wakaaladda wararka SABA ee hoostagta Xuutiyiinta Wafdiga ayaa la kulmi doona Golaha Sare ee Siyaasadda ee Xuutiyiinta ee loo yaqaan Mahdi al-Mashat si looga wada hadlo in la afjaro colaadda labada dhinac.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shaqaalaha Shirkad ka howlgasha magaalada Beladweyne oo xabsi lagu guray (Sababta)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xassan Sheekh oo ka qeyb-galay furitaanka shirka 77-aad ee QM (Sawirro)

Caydiid Ali

Gudoomiyaha Maxkamada sare iyo Xeer ilaaliyaha Jubbaland oo la magacaabay (Akhriso Digreeto)

admin
Taboola Ads ---