Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Somaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta kullan muhiim ah kula qaatay Aqalka Dowlada Djibouti Madaxweyne Ismail Omar Gelle,
Waxaana uu gaarsiiyay Madaxweynaha salaan sharafeed uu ka siday Madaxweynaha JFS Mudane Hassan Sheikh Mohamud.
Madaxweyne Gelle oo ah oday Soomaaliyeed ayaa kulankan dhexmarta isaga iyo Ergeyga waxaa uu daarnaa wadatashi ku aadan ka gun-gaarista wadahadallada Somaliland ee dhawaan dib u billaaban doono.
Ergeyga ayaa Madaxweynaha la wadaagay howsha culus ee hortaala, waxaana uu Madaxweynaha u muujiay sida dowladda Jabouti ay shacab iyo xukuumadba had iyo jeer u garab taagan tahay nabadda iyo xasiloonida Soomaaliyeed.
Kullankan ayaa qeyb ka ah kullamo badan oo uu Ergeyga ku mari doono dalalka geeska Afrika, kuwaas oo uu taageero ugu raadinayo ka mirra-dhallinta wadahadallada Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com