Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Toogasho dhimasho sababtay oo caawa ka dhacday Magaalada Muqdisho

Dabley hubeysan oo wadatay Mooto bajaaj  ayaa caawa nin shacab ah ku toogatay agagaarka Baar ha i dhaafin oo ku yaalla wadada Buundooyinka dhinaca degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Ninka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Ibraahim Cabdi Barre (Kuusow) ayaa watay gaari yar xiliga la tooganayey, waxaana baxsaday dableydii dishay oo watay mooto bajaaj sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Ninka la dilay ayaa la sheegay inuu goob timajare ah ku lahaa degmada Waaberi, waxaana eheladiisu ay sheegeen inuusan weligiis faraha la gelin arimo ciidan iyo kuwo siyaasadeed ayna la yaaban yihiin sababta loo beegsaday.

Al-Shabaab kama aysan hadlin dilka loo geystay ninkan inkastoo ay sheegteen dilal kale oo maanta Muqdisho loogu geystay askar ka tirsan ciidamada dowlada, welina ma cadda sababta loo dilay ninkan timajaraha iyo cida rasmiga ah ee ka dambeysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com   

Related posts

RW Rooble: “Wax gorgortan ah kama galayno cadaalad u raadinta kiiska Ikraan Tahliil”

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo kusii jeeda Imaaraadka iyo Ujeedka Safarkiisa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Duuliye si xirfadeysan u dejiyey dayuurad uu taayarka hore u bixi waayey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---