Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada DF oo kaabiga ku haya degaan uu fariisin ka dhigtay Kabokutukade (Sawirro)

Ciidanka Xoogga dalka ayaa kaabiga ku haya degaanka Budbud ee gobolka Galgaduud halkaasoo ay muddo dheer gacanta ku hayeen kooxda Al-shabaab.

Waxaa degaankan uu fariisin u ahaa Guddoomiyaha Al-shabaab u qaabilsan gobolka Sh/dhexe Shiikh Kabokutukade.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada xoogga dalka ay gaareen degaanka Ceel juqow oo ku dhow Budbud halkaasoo ay ka sameeyeen howlgal lagu sifeynayo al-Shabaab.

Ceel juqow ayaa 1-km  Woqooyi kaga beegan deegaanka budbud oo hoos taga Magaalada Galcad.

“Waxaa halkaas isaga cararay Khawaarijta, ciidanka ayaana gacanta ku dhigay sadax gaari oo laga shakisan yahay kuwaasoo dadka deegaanku sheegeen in Khawaarijtu kaga carartay dhulka howdka ah” ayuu sarkaal ciidan oo howlgalkaas wax ka hogaaminaya.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah wejiga labaad ee Howlgalka dowlada Somalia oo kaashaneysa qabaailka ku dooneyso in Al-shabaab looga saario guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo Axmed Madoobe: “Waxaan ka digeynaa in la qabto doorasho hal dhinac ah hadii kale …

admin

Soomaali gubay kaniisado ku yaalla dalka Norwey oo xukun lagu riday

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan Kula Yeeshay Washington Wasiirada Maaliyadda Netherland & Talyaaniga(Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---