Allbanaadir.com
NEWS

Muuse Biixi oo Toban Urur Siyaasadeed kala hadlay Xaalada Laascaanood (Sawirro)

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku-xigeenka  ayaa kulan ujeedadiisu ahayd xog-waran iyo xaaladda guud  gaar ahaan arrinta Laascaanood la yeeshay tobanka urur siyaasadeed ee u soo baxay tartanka xisbiyada Somaliland.

Ugu horayn Wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa warbixin dheer ka bixiyey mar xaladihii kala duwanaa ee ay soo martay xaaladda magaalada Laascaanood.

Dhinaca kale tobanka Urur Siyaasadeed oo kala ah Urur siyaasadeedka Horsed, Urur siyaasadeedka Kaah, Urur siyaasadeedka Ogaal, Urur siyaasadeedka Rejo, Urur siyaasadeedka Talo-wadaag, Urur siyaasadeedka Mideeye, Urur siyaasadeedka Waaberi, Urur siyaasadeedka Barwaaqo, Urur siyaasadeedka Hillaac iyo Urur Siyaaasadeedka Shacabka ayaa madaxweynaha Somaliland, uga mahadceliyey, sida degdega ah ee uu uga aqbalay codsigoodii ahaa inay la kulmaan, iyagoo u soo jeediyeen xukuumadda uu madaxweynuhu gadhwadeenka ka yahay tallooyin ku saabsan xal u helidda arrimaha ka taagan Laascaanood.

Waxa kale oo ay xuseen inay difaaca Somaliland ku barbar taagan yihiin dawladda, isla markaana tallaabo kasta oo xal nabadeed loogu raadinayo si loo soo afjaro dagaalka Laascaanood oo ay kala qayb-qaadanayaan Xukuumadda.

Ugu danbayntii Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadceliyey madaxda Ururada Siyaasadda dareenkooda muwaadinimo ee ay u muujiyeen dalkooda iyo dadkooda, isla markaana waxa uu soo dhaweeyey Madaxweynuhu tallooyinka lagu xoojinayo arrimaha xal u helida Laascaanood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Caaqil Saxiixiisa si khaldan loo isticmaalay oo qeylo dhaan hawada mariyay

Cabdi Cade

Weerar lagu qaaday saldhiga Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin magaalada Baladweyne

Cabdi Cade

Gen. Odawaa oo faahfaahin ka bixiyey weerarkii Ismiidaaminta ee saaka ka dhacay Sh/dhexe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---