Ciidamada booliiska gobolka Banaadir ayaa toogasho ku dilay nin la sheegay in qarax miino ku aasayay hareeraha laamiga dheer ee isku xira magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye , gaar ahaan agagaarka Garasbaaley.
War kasoo baxay taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ciidamo ku jiray howlgal roondo ah la kulmeen nin doonayay in qarax miino ku aaso hareeraha laamiga mara deegaanka Garasbaaley.
Booliiska ayaa sheegay in ciidamada toogasho ku dileen ninkii hubeesnaa ee qaraxa miino aasayay, waxa ayna intaa ku dareen in ciidamada gacanta ku dhigeen miinadii uu doonayay in ninkaasi aaso.
Ciidamada ammaanka ayaa kordhiyay howlgalada lagu xaqiijinayo amniga caasimadda Muqdisho iyo hareeraheeda, waxa ayna ciidamada booliiska bilaabeen roondooyin ay ku marayaan waddooyinka iyo laamida qaar.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com