Allbanaadir.com
NEWS

Ma laga yaabaa in  Imaaraadka iyo Qadar ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda?

Soomaaliya waxaa laga dareemayaa Saameynta Khilaafka  u dhaxeeya qaar ka mid ah Wadamada Khaliijka Gaar ahaan Wadamada Imaaraadka iyo Qadar oo Galaangal Siyaasadeed ku leh Xaaladda Siyaasada Soomaaliya ee Xilgaan, waxaana Moodaa In Khilaafkaas marba marka ka dambeysa uu sii Xoogeysanayo.

 Khilaafka u dhaxeeya Imaaraadka iyo Qadar sow lagama yaabo in  Labadaan wadan ay ku Dagaalamaan Soomaaliya Gudaheeda? aniga waxaan ka mid ahaa dadka aan aamisaneyn Dagaal uu dhexmaro Labadaas Dal, hase yeeshee Dhawaan ayaan Xaqiiqsadey  in ay dhici karto  Labadaas Wadan ay ku Dagaalami karaan Soomaaliya

Dhawaan ayaa Safaarada Qadar ku leedahay Soomaaliya Gaar ahaan Agagaarka Km4 ayey Difaaceedii soo Fogeysey ilaa ay u soo dhawaatey Isbitaalka Deva, waxaana markiiba ka qayliyey ardey Jaamacadaha halkaas ku yaal iyadoo Safaarada ku andacootey in Difaacaan uu yahay mid ay ku Xaqiijineyso Amaankeeda.

Dad badan ayaa  wax caadi ah u qaatey Difaacaas  hase yeeshee si aan wax badan uga ogaano  waxa keeney Xiligaan la dheereeyo Difaaca Safaarada,Sida darteed  Qof Deris la ah  Safaarada oo aan wax ka weydiiyey Difaaca la soo fogeeyey ayaa yiri“ Safaarada ka Qadar  ka cabsanmeyso Soomaali Weerar kaga yimaada waxaa cabsida ugu weyn ee Xiligaan heysata Safaarada  ay tahay in Weerar uu kaga yimaado Dhinaca Dowlada Imaaraadka Carabta” Hase yeeshee Qorshaha Safaarada Qadar ee Sii xirida Wadada waxaa diidey Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo sheegey in Dhawaan la furi doono Wadada Cabdi Qaasim ee ka tagta Km 4.

Tan iyo Markii ay dhacdey Dowladii Kacaanka Soomaaliya Faragelinteeda waxay soo martey Heerar kala duwan , Mar waxaa Faragelin ku hayey Talyaaniga , mar Itoobiya iyo Erteriya, mar Dowlada Kenya , Mar Masar , marna Liibiya , Marna Mareykan, waxay Hadba meel soo Tu’ato Faragelintaas maanta waxay mareysa wadamada Imaaraadka iyo Qadar marka ha Fogeysan  in Dagaal ku dhexmaro Gudaha Dalka Wadamadaas marka ilaahayow  Amuuraha Sahal

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail  amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail  amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Tel 00252615532494

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo iyo Wefdi la socda oo goordhaw ka dhoofay Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Madax ka tirsan caalamka oo Khadka telefanka kula soo xiriiray Madaxweyne Farmaajo

Caydiid Ali

Duqeyn lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab oo ka dhacday Sh/hoose

Caydiid Ali
Taboola Ads ---