Allbanaadir.com
NEWS

Nabadadon Noor Ibrahim( Haryan) oo lagu dilay Beled Xaawo iyo Al Shabaab oo sheegatay dilkiisa

Nabadadon Noor Ibrahim( Haryan) oo kamid ahaa nabaddoonada caanka ah gobolka Gedo ayaa xalay lagu dilay degmada Beled-Xaawo ee katirsan gobolka Gedo taarikhda markay aheyd 20-10-2021 .

Kooxo biskoolado ku hubeesan ayaa nabadoonka ku dilay degmada Beled Xaawo xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada cishaha, waxaana goobta dilka ka dhacay ka baxsaday kooxdii hubeesneed.

Nabadoonka la dilay aya qeyb ka ahaa odaayaashii dhaqanka ee ee wax kasoo xulay xilidhibanada baarlamaanka ee maamulka Jubbaland iyo kuwa dowlada fedearalka Soomaaliya.

Masuuliyada dilka nabadoon Noor Ibrahim( Haryan) waxaa sheegatay kooxda Al Shabaab oo inta badan beegsata odayaasha dhaqanka ee soo xulay baarlamaanka dowlad goboleedyada iyo kuwa federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hogaamiyaha Falastiin oo ka carooday talaabo uu qaaday Mareykanka

Caydiid Ali

Mahad Salaad oo ka hadlay muhiimada Go’aankii kasoo baxay Golaha Ammaanka

Cabdi Cade

Ergadii u dambeesay oo gaartay Dhuusomareeb kadib Shuruud ay la yimaadeen oo la fuliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---