Allbanaadir.com
NEWS

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Farantz Celestin (Sawirro)

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM Somalia) Farantz Celestin.

Guddoomiyaha iyo madaxa IOM Soomaaliya ayaa ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan hawlaha hay’addu ka wado Soomaaliya iyo kor u qaadista taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed.

Waxay si gaar ah uga wada hadleen wada-shaqaynta Aqalka Sare iyo in guud ahaan mashaariicda horumarineed ee ay ka taageeraan Soomaaliya lagu saleeyo arrimaha mudnaanta u leh hay’adaha dowladda.

hay’adda Socdaalka Adduunka ayaa Soomaaliya ka taageerta dhinacyo badan ay kamid tahay taageerida qaxootiga Soomaaliyeed iyo sidoo kale soo celinta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateesan qaar kamid ah waddamada Caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Diiwaan galinta musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Galmudug oo waqti lagu daray

Cabdi Cade

Ciidamada Dowlada oo Gacanta ku dhigay rag weerar culus ku qaaday

Cabdi Cade

Sargaal Ciidan oo la dilay kadibna Meydkiisa la gubay iyo Xiisad ka dhalatay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---