Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Itoobiya oo Warshad yaab leh ka furtay Magaalada Addis ababa (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Itoobiya ayaa xarigga ka jaray warshad cusub oo koronto, taas oo wasakhda u badali doonta tamar.

Waxaa la rumaysan yahay in warshaddaasi ay tahay middii koobaad ee nooceeda ah ee Afrika laga hirgaliyo.

Warshadan ayaa ku agtaalla goob bannaan oo lagu daadiyo qashinka magaalada Addis Ababa, halkaas oo dhul go’ay uu sannadkii hore ku dilay 100 ruux.

Qashinkan la gubayo ayaa la filayaa in laga dhalin doono 25 megawatts oo koronto ah maalin walba.

Madaxweynaha Itoobiya Mulatu Teshome oo furitaanka warshadda ka hadlay ayaa sheegay in dalkiisu uu si wayn u maalgashanayo qaababka lagu heli karo koronto aan hawada wasakhaynaynin, si loo xoojiyo wax soo saarka warshadaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Anwar Ibrahim oo si adag u diiday qorshe ka dhan ah Xamaas ay wadaan reer Galbeedka

Cabdi Cade

Kumaandooska Danab oo Howlgal ka fuliyay Deegaanno Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Cabdi Cade

(Sawirro) Xasan Shiikh oo Washington kula kulmay Xoghayaha Gaashaandhiga Mareykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---