Madaxweynaha Dowadda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen Markuu arkay Oodobka 51aad ee Dastuurka Dowladda Hirshabeelle.
Markuu arkay: Soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Garsoorka uu kusoo jeediyay in la magacaabo Guddoomiyaha Makamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.
Madaxweynaha waxa uu Mudane Cabdullaahi Maxamuud Gacal u magacaabay Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Hirshabeelle.
Masuulkan ayaa maalmo ka hor iska casilay xilka Guddoomiyaha Maxkamada sare ee Galmudug, iyadoo magacaabistiisa ay la yaab iyo lama filaan ku noqotay dad badan.
Magacaabidan ayaa ku soo beegantay xili Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen kala diray Garsoorka Gobolka Shabeelaha Dhexe