Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Mo Farax oo kaalin aan laga fileyn ka galay tartan lagu qabtay dalka Gabon (Sawirro)

Orodyahanka Soomaaliyeed Mo Farax ayaa kaalinta 7-aad ka soo galay tartan orod ah oo lagu qabtay dalka Gabon.

Vincent Kipkemoi oo u dhashay dalka Kenya ayaa ku guuleystay tartanka Gabon 28 daqiiqo iyo 11 ilbiriqsi ayuuna ku orday

Mr Farax ayaa 30 daqiiqo iyo 41 ilbiriqsi ku soo galay kaalinta todobaad tartanka oo ahaa midka 10 Km la ordayay.

40-jirka afarta jeer ku guuleystay Olimbikada Faarax ayaa tababar ku qaadanayay dalka Itoobiya si uu ugu diyaar garoobo orodka 23-ka April ee ka dhacaya London.

Waxa uu ku dhawaaqay bishii Janaayo in uu rajaynayo 2023 uu noqdo sannadkiisii ​​ugu dambeeyay ee tartanka ka hor inta uusan hawlgab noqon.

Faarax ayaa ka baaqday tartankii orodkii Marathon-ka London ee 2022-kii, ka dib markii uu dhaawac ka soo gaaray Sinta waxaana sanadkan uu noqon doonaa tartankii ugu horeeyay ee marathon-ka ah tan iyo 2019-kii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Digniin adag oo lee jeediyey Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Jubbaland

Caydiid Ali

Villa Somalia oo shaacisay dalal shisheeye oo maalgeliyey dibed baxii maanta & Ciidamo..

Caydiid Ali

Kenya oo loogu deeqay Malaayiin Dollar si ay isaga Difaacaan dagaalyahanada Al Shabaab

Cabdi Cade