Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo huwan ah oo la wareegay Deegaano Al Shabaab joogeen (Sawirro)

Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ayaa maanta howlgallo ay ka dhan ah kooxda A Shabaab  ka wada deegaano dhaca galbeedka magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan.

Masuuliyiin iyo saraakiil ciidan ayaa hoggaaminayay ciidamada maanta howlglka ka bilaabay deegaano dhaca Galbeedka Buuloburde, waxa ayna ciidankan gaareen goobo ay Al Shabaab kaga sugan yihiin deegaannadaasi.

Ciidanka ayaa gaaray deegaanada Dhagaxyaale , Kiligubadle, Xarar iyo Boocaale oo Al Shabaab isaga baxeen kahor inta aysan ciidanka gaarin, waxayna ciidanku burburiyeen fariisimo iyo godad ay Al Shabaab ka qodatay deegaanadaas.

Howlgalkan ay ciidamada bilaabeen ayaa kusoo aadaya xilli la filayo in howlgal balaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ka bilowdo gobolada Dhaxe ee dalka , waxaana howlgalkaasi ka qeyb qaadanaya ciidamo badan oo Itoobiyaan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Garoon Diyaaradeed oo laga dhisayo degmo ay Go’doomiyeen Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade

Itoobiya oo Safiir cusub u magacawday Somaliland iyo Muuse Biixi oo soo dhaweeyay (Sawirro)

Cabdi Cade

Xildhibaan kashifay arrin halis ah oo ku gedaaaman safarka Shiikh Aadan Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---