Allbanaadir.com
NEWS

Wasiir Haruuse oo ka hadlay Sababta Keentay In lasoo celiyo Xiriirkii kala dhaxeeyay Cuba

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawwaan dib usoo celisay xiriirkii diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeyay dalka Cuba, waxaana soo celinta xiriirka Cuba ka dhalatay hadal heyn badan oo dhinaca bulshada ah.

Dalka Cuba ayaa Soomaaliya waxaa kala dhaxeeyay cadaawad aad u fog, waxa uuna dalkan xilligii dagaalkii Soomaaliya la gashay Itoobiya 1977-dii kaga hiiliyay Itoobiya oo garab iyo gaashaan buuxa u noqday.

Wasiirka Arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya  Abshir Cumar Haruuse oo ka hadlay sababta xilligan keentay in Soomaaliya xiriir la yeelato Cuba  ayaa sheegay in labada dal ay xiriir diblomaasi lahaayeen intii u dhaxaysay 1972 – 1977, haatan ay ku heshiiyeen in ay sii wadaan.

“ 1977,dii waa waqti hore, hadda waxaynu joognaa 2023,intii u dhaxeysay caalamka wax fara badan ayaa iska bedelay, inagoo kale, dowlad qubad leh oo xoog leh la ciseeyo ayaynu ahayn, Dowladdeynii waa duntay, haddana cidla ayaynu wax ka soo abuurnay, dowlad ayaan maanta haysanaa, caalamka waa isu guur guuray, waad ogtahay Yurub waa qeybsaneyd, waa midoowday, waxay noqotay hadda Midowga Yurub bey sameysay, 27-wadan baa is doontay oo sameystay urur, xilligaas waxaa jiray Jarmalka oo qeybsanaa wuu midoowbay,” ayuu yiri Wasiir Haruuse.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadda ka shaqeeynaaan siyaasad ah inaan Soomaaliya wax cadow ah yeelan, waxa uuna tilmaamay taa badalkeeda rabaan in Soomaaliya hesho saaxiibo badan  taas oo kor u qaadeysa horumarka iyo diblomaasiyadda dalka.

Soomaaliya ayaana wax xiriir diblumaasiyadeed la laheyn dalka Cuba waxii ka dambeeyay dagaakii 77, waxaana dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh go’aansatay in xiriirka dalkaasi lasoo celiyo, waxaana Cuba safiir usoo magacaabatay Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Yey ahaayeen dadkii xalay lagu laayay weerarkii Xeebta Liido ?

Cabdi Cade

Antonio Guterres oo Shaaciyay in Dunnida ay halis ugu jirto dagaal Nukliyeer la isku adeegsado

Cabdi Cade

Hirshabelle oo shaacisay Jadwalka doorashada todoba kursi (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---