Allbanaadir.com
NEWS

Dharka iyo gaadiidka Ciidanka ee Ganacsi ahaan Muqdisho loo keeno oo lala wareegayo

Dekadda iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa laga soo dejinayaa dharka ciidanka iyo agabyo kale ay isticmaalaan ciidamada sida gaadiid , kuwaa oo dalka loo keeno ganacsi ahaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay khudbad xasaasi ah jeediyay ayaa mamnuucay ka ganacsiga dharka u gaarka ah ciidamada  iyo agabka kale ee ciidamada isticmaalaan sida gaadiidka.

Waxa uu sheegay madaxweynaha in hadda kaddib aan la oggolaan doonin ka gancsiga dharka ciidanka ee ganacsatada dalka soo galiyaan iyo sidoo kale agabka ciidanka sida gaadiidka Cabdi Bilaha oo ganacsi ahaan dalka loo keeno.

”Dharka iyo agabka ciidanka amniga loo yaqaan ganacsi ma galo lamana keeni karo dalka ,iska ogow ganacsadow, kunteenar tuuto ah ayaa ii yaala waa dhammaatay iska ogow, waa lala wareegaa oo dowladda qaadaneyso, baabuur Cabdi Bilaha keeni ma kartid , Uniform tuuto ah keeni ma kartid, waxa kale ee qarxa iyo qaab darada kale iskaba daa kuwaas ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli muddooyinkii lasoo dhaafay kordhayeen hubka iyo agabka ciidanka ee ganacsi ahaan dalka loo keenayay, kuwaa ay iibsanayay qabaa’ilka sidoo kale la tuhmayo in uu mararka qaar loo iibiyo Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Aqoon-iswaydaarsi looga hadlayay qoddobo muhiim ah oo lagu qabtay Nederlands

Caydiid Ali

Xisbi ku baaqay in maxkamad lasoo taagto Dalai Lama kadib falkii uu ku sameeyay wiil yar

Cabdi Cade

Isku dhacyada dhexmaraya Xisbullah iyo ciidamada Israel oo sii xoogeysanaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---