War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Gaashaandhiga Maamulka Somaliland ayaa looga jawaabay guluf dagaal ay shalay ku baaqeen masuuliyiin katirsan maamulka Puntland.
Wasaarada Gaashaandhiga Somaliland ayaa sheegtay in ay aqbaleyn waan waantii ay wadeen Urur goboleedka IGAD iyo Qaramada Midoobay ee ku aadanaa in xal laga gaaro xiisada dagaal ee labada maamul u dhaxeeya.
Somaliland ayaa sheegtay in Madaxda maamulka Puntland sababta ay colaada u hurinayaan ay tahay in ay doonayaan in ay waqti kororsi sameeyaan maadama uu dhamaaday mudada xil heynta Madaxda Puntland.
Halkan ka Akhriso Warka kasoo baxay Somaliland.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com