Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada dowladda oo gudaha u galay Maxkamad iyo Xabsi Al Shabaab lahaayeen (Sawirro)

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo kaashanayay kuwa dadka deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Galcad ee gobolka Galgaduud, deegaankaas oo muddooyinkii dambe ay ku sugnaayeen kooxda Al Shabaab.

Deegaanka Galcad ayaa Al Shabaab dib ula wareegeen kaddib markii weerar khasaaro xooggan ciidanka Danab kasoo gaareen ku qaadeen, waxaana deegaankan maanta mar kale gacan ku heyntiisa hantiyay ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidanka la wareegay deegaanka Galcad ayaa gudaha u galay maxkamad Al Shabaab deegaankaasi ku lahaayeen iyo xabsi, waxa ayna goobtan Al Shabaab lacago uga qaadi jireen dadka deegaanka, halka dadka qaarna lagu xiri jiray.

Howlgalkan maanta ciidamada huwanta ah kula wareegeen deegaanka Galcad ayaa imaanaya xilli dowladad Soomaaliya shaacisay in uu bilaabanayo wajiga labaad howlgalo ka dhan ah Al Shabaab, kaa oo ka duwan kii bilo kahor Al Shabaab looga saaray dhul badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Toogasho ka dhacday goob ay ka socotay dabaal-dega dhalashada Sanadka cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Kheyre oo Muqdisho kusoo laabtay xili kala shaki uu soo kala dhax galay Musharaxiinta

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo xilkii ka qaaday gudoomiyihii Maxkamada Sare, mid cusubna magacaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---