Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Mamnuucay in gaadiid dagaal lala dhax maro Muqdisho Ammar adagna bixiyay

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad ka jeediyay masjid kuyaalla madaxtooyada ayaa amray in magaalada Muqdisho laga mamnuucay gaadiidka dagaalka in lagu dhax wato.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in magaalada Muqdisho aan ammaan lagu tilmaami karin in magaalada uu dhax marayo gaari dagaal oo dhashiike saaran yahay ayna la socdaan toban askari iyo ka badan.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in masuuliyiinta iyo saraakiisha xushmeeyaan ciidamada ammaanka ee jooga koontaroolada, waxa uuna xusay masuulkii diida in gaarigiisa la hubiyo lala dagaalamayo uuna qaadayo masuuliyada waxii halkaasi ka dhaca.

“Ninka masuulka ah inta taga koontarool ee diida in la hubiyo asaa ka masuul ah, waana lala dagaalamaa, ammar cad ayaa la siiyay askarta koontaroolada joogta lama mari karo ilaa gaadiidka laga hubiyo cidda ku jirta iyo waxa uu sido, masuul , sargaal iyo qofkii doona gaariga haku jiro waa la fiirinaa, maxaa yeelay cadawga waa isku keen ekeesiinaa ,mar maahan labo maahan inta ay cadawga isku keen ekeesiiyeen oo dhibaato geesteen, ” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Hadalka madaxweyne Xasan Sheekh kasoo yeeray ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Muqdisho kusoo bateen ciidanada hubeesan ee wata gaadiidka dagaalka kuwaa oo mararka qaar xoog ku mara baraha koontaroolada ee kuyaalla Muqdisho ayna ka dhashaan isku dhacyo.

 

Related posts

Labo Dowladood oo lacag badan ku bixinaya Khilaafka Farmaajo iyo Rooble !!

Cabdi Cade

Dib-u-howlgelinta Sheybaarka Hubinta Tayada Dhismaha Muqdisho oo la Daah-furay

Cabdi Cade

(Sawirro) Diiwaan gelinta musharaxiinta Madaxweynaha Puntland oo Garoowe ka socota

Caydiid Ali
Taboola Ads ---