Markii uu aabbihiis dhintay, Jaime “Mujahid” Fletcher aad buu runtii u dareemay kelinimo iyo cabsi. In yar kaddib markii uu baaray lana saaxiibay xubnaha bulshada Muslimiinta ah ee Latinos-ka, wuxuu qaatay diinta Islaamka isaga oo 21 jir ah.
Hadda wuxuu qeyb ka yahay barnaamijyada dacwada iyo barashada Islaamka u fududeeya dadka Latinos-ka ah oo uu kamid yahay. Asal ahaan, wuxuu kasoo jeeda dalka Colombia.
Taniyo markii uu kordhay xiisaha iyo doonista badan ee la xiriirta diinta Islaamka oo ay muujinayaan bulshada Latinos-ka ah, Jaime iyo saaxiibadiisa waxay magaalada Houston ka hirgeliyeen xarun dacwo oo dadka kasoo jeeda Latin Amerika lagu baro Islaamka iyaga oo lagu fahamsiinayo afka Spanish-ka.
In kasta oo barashadu diintu u tahay saldhig, haddana xaruntan waxay sidoo kale noqotay barkulan ay kusoo hirtaan dadka doonaya inay waraabaan macaanka diinta Islaamka oo ay Muslimiin noqdaan.
Marka loo eego Islam in Spanish, dad lagu qiyaasay 250,000 oo Latinos ah ayaa ah Muslimiin gudaha Maraykanka.
Marka loo eego Pew Research Centre, Muslimiinta USA ayaa la jibbaarmay tobakii sannadood ee lasoo dhaafay, waxaana 30% ay yihiin Latinos.
Islaamka ayaa ah diinta ugu faafidda badan caalamka. Waxaana sannad walba la tilmaamaa in nus milyan dad ah oo dunida guudkeeda saaran ay kusoo biiraan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com