Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan Kumaandoska danab iyo kuwa Gorgor ayaa maanta la wareegay degmada Galcad ee gobalka Galgaduud oo ay gacanta ku heysay Al-Shabaab.
Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada xoogga dalka ay dhowr jiho ka galeen Galcad, sida uu warbaahinta Ciidamada qalabka sida u xaqiijiyay taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Odawaa Yuusuf Raage.
Waxaa degmada Galcad todobaadyadii la soo dhaafay ku sugnaa Al-Shabaab oo kala wareegtay ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka markii ay ku qaadeen weeraro iskugu jiray qaraxyo ismiidaamin ah iyo mid toos ah, waxaana weerarkaas ku dhintay Taliyihii ciidanka Danab Xassan Tuure iyo xubno kale.
Dadkii degenaa degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud badankood ayaa isaga baxay kadib markii ay ku amreen Al-Shabaab, waxaana hadda howlgallo amni xaqiijin ah ka wada Ciidamada xoogga dalka oo kaashanaya kuwa degaanka.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com