Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Macron oo dalab lama filaan ah u gudbiyey Dhigisa Xi Jinping

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron oo booqanaya Beijing ayaa ku dhiirigeliyey madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, isaga oo isticmaalaya xiriirka wanaagsan ee kala dhexeeya dalka Ruushka, inuu gacan ka geysto soo afjaridda dagaalka Ruushka ee Ukraine.

Macron oo ku sugan Shiinaha ayaa Madaxweyne Xi Jinping u sheegay in gardarrada Ruushka ee Ukraine inay waxyeello u geystay xasiloonida caalamka.

“Waan ogahay inaan ku kalsoonaan karo inaad Ruushka ku soo celin karto inuu si saxan u fekero, iyo weliba in qof waliba uu dib ugu soo laabto miiska wadahadalka” ayuu yiri Macron.

Madaxweynaha Shiinaha oo hareer taagan madaxweynaha Faransiiska, ayaa u sheegay saxafiyiinta in iyaga iyo Faransiisku, ay ku baaqayaan is xakamayn iyo caqliyad in lagu xalliyo colaadda socotay 14-ka bilood, isagoo intaas ku daray in Shiinuhu uu raadinayey “in si degdeg ah loogo soo laabto wadahadaladii nabadeed si loo xalliyo xiisadda siyaasadeed”

Hoggaamiyaha Shiinaha ayaa sheegay in xukuumaddiisu “ay ku baaqayso in la ilaaliyo dadka rayidka ah. Inaan marna la isticmaalin hubka nukliyeerka, isla markaana laga fogaado inuu qarxo dagaal la isu adeegsado hubka nukliyeerku.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Akhriso Liiska Wadamada Dunida ugu farxada badan (Soomaaliya xagee kaga jirtaa)

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan DF oo tababar loo soo xiray & Cali Guudlaawe & reer Hiiraan oo..

Caydiid Ali

Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---