Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka qaldan Shirkada Beco? (Shacabka Muqdisho oo quus ka taagan koronto xumo)

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa mar kale wajahaya koronto xumo la xiriirta Shirkadda Beco oo maalin kasta baxda dhowr jeer, xili lagu jiro bisha Ramadaan iyadoo markiiba ka maqnaataa muddo saacado ah.

Koronto xumadan oo bilaabatay todobaadyo ka hor ayaa sii xoogeysatay maalmihii u dambeeyey, waxayna saameysay xaafado badan goobo ganacsi, isbitaalo, hotelo iyo adeegyo lale oo lagama maarmaan u ah bulshada.

Waxaa bixitaanka joogtada ah mararka qaar ka dhasha khasaare hantiyadeed iyo shaqooyinka ku tiirsan korontada oo hakad u gala.

“Anigoo Wiish la socda ayey korontadii baxday, mana gaarin qeybtii aan ka doonayey dabaqa sare, waxaan halkaas ku xayirnaa muddo ka badan 50 daqiiqo” ayuu yiri Xassan Cali oo ka mid ah shacabka oo ka hadlayey saameynya koronto xumida shirkada BECO.

Hadal heynta ugu badan Magaalada Muqdisho iyo baraha bulshada ayaa noqotay korontada tag-tageysa maalin kasta ee shirkadda Beco oo ah mida ugu weyn shirkadaha bixiya adeegga korontada ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah ganacsatada iyo shacabka ayaa sheegaya in hadii shirkadda Beco ay wax ka bedeli weyso arrintan ay dhici karto iney ku weyso macaamiil badan oo u wareegi doona shirkadaha kale ee korontada.

Weli Maamulka Shirkadda Beco kama hadlin ciladaan joogtada ah oo ay wajahayaan macaamiishooda, iyadoo ay xusid mudantahay in markii horeba ay bulshada cabasho ka qabtay qiimaha korontada oo aad u sarreeya.

Dhowaan ayey aheyd markii shirkadda beco ay macaamiisheeda ka raali gelisay cilad tan la mid aheyd  oo socotay muddo saddex todobaad ka badan, iyadoo balanqaaday ineysan soo laaban doonin, hase ahaatee  balan-qaadkaas ayaa hadda u muuqda been ah oo kaliya looga dan lagaa in carada macaamiisha lagu dejiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka jira in Madaxweyne Xaaf xilka ka qaaday Madaxa Xukuumada Galmudug ?

Cabdi Cade

Dacwad cusub oo lagu soo oogay Duqa Magaalada Istanbul

Caydiid Ali

Daawo:-Jahwareerka Siyaasada dalka & Amniga Muqdisho oo sii xumaanaya Khayre kadib

admin
Taboola Ads ---