Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Itoobiya oo shaacisay iney kala direyso ciidamo ay ku jiraan Liyu Booliska Soomaalida

Itoobiya ayaa ku dhawaaqday in ay kala dirayso dhammaan ciidankii gaarka ahaa ee dawlad deegaannadu lahaayeen ee Liyuu Booliska.

War-saxaafaddeed xukuumadda Federaalka Itoobiya ka soo baxay ayaa lagu sheegay in dhammaan Ciddamadaas gaarka ah lagu biirin doono ciidanka heer Qaran ee Federaalka Itoobiya.

“Waxaa askari walba u furan inuu ku biiri karo noocyada kala duwan ee ciidanka Federaalka sida Mileteriga iyo Booliska” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka.

Go’aankan ayaa saameyn doona ciidamada Booliska gaar ah ee dowlad degaanka Soomaalida Liyu Boolis.

Talaabadan ayaa ka dhigan in dawlad deegaanka Soomaalida uu waayayo ciidan ay gaar u leedahay isla markaana ku shaqayn jirey amarka madaxda dawladda deegaanka.

Tani ayaa loo aanaynaynayaa cashar ay Itoobiya ka baratay dagaalkii gobolka Tigrey oo ciidanka gaarka ah ee deegaankaasi ay si weyn u wajaheen ciidanka dowladda dhexe sida ay qabaan dadka ku xeeldheer arrimaha dalkaas.

Axmaarada oo ka mid ahayd dadka soddonkii sanno ee tagay ku baaqayay in ciidamada gaarka ah la tirtiro ayaa hadda kasoo hor-jeedsaday go’aanka Dowladda dhexe, iyagoo sheegaya inuu yahay mid lagu fududaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo baxay shirkii RW Khayre iyo Madaxda K/Galbeed & Hirshabelle? (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo ka qeyb galay Shirka Madaxda Afrika Bangiga Adduunka (Sawirro)

Cabdi Cade

Wadaad ka tirsan Taliban & 20 kale oo ku dhintay qarax ka dhacay Masjidka Herat (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---