Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliye ka goostay ciidanka Maamulka Somaliland oo ku biiray Jabhadda SSC

G/dhexe Maxamed-Deeq Muxumud Cabdi iyo ciidamo uu wato ayaa sheegay inay ka baxeen Somaliland, kuna biireen SSC.

Ciidankan oo an tiradooda la ogeyn saldhigooduna ahaa deegaano ka mid ah gobalka Cayn ayaa waxay sheegeen in Somaliland weerar xasuuq ah ka geystaay magaalada Laascaanood.

G/dhexe Maxamed-Deeq Muxumud Cabdi ayaa ku dhawaaqay warkan, isagoo shir jaraa’id qabtay ku sheegay in ay ku biirayaan dagaalka Laascaanood.

”Markii aan arkay Ciidankii aanu ka tirsanayn oo gumaadaya Shacabkii reer SSC ayaanu Qaadanay Go’aankan inaanu ka difaacno Shacabkayga Ciidankii aanu la mowqifka ahayn oo Gumaad iyo weerar iyo barakicin ku haya Dadka SSC, Waxaana diyaar u ahay inaan la mowqif noqdo Dadkayga Bulshadayda iyo Degaankayga wixii uu qabo.” ayuu yiri taliyahan.

Waxaa uu sheegay inuu iska casilay xilka taliyaha guutada 95aad ee ciidanka Somaliland.

“Anigoo aha G/lle Dhexe Maxamed Deeq Muxumed Cabdi, ahna taliyaha guutada 95-aad ee ciidanka qaranka ee degan Carowayn, waxaan caddaynayaa inaan iska casilay xilkii ciidanka qaranka aan u hayay, aanan la fikir ahay bulshada reer SSC,” ayuu yiri taliyaha oo warbaahinta kula hadlay degmada Buuhoodle.

Ma jiro war ka soo baxay Somaliland oo ku saabsan taliyaha iyo ciidamada la soo goostay, waxayna arrintan ku soo aadeysaa xili uu laascaanood ka socdo dagaal muddo laboi bilood ah u dhexeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa degaanka SCC.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

K/Galbeed oo shaacisay jadwalka doorashada 5 ka mid ah kuraasta Golaha shacabka

Caydiid Ali

Sacuudiga iyo Ruushka oo gaaray heshiis ka caraysiiyay Mareykanka saameyna abuuri kara

Cabdi Cade

Baarlamanka Somalia oo dood kulul ka yeeshay qodobo ka mid ah dastuurka (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---