Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo la kulmay madax ka socotay DRC iyo IMC (Sawirro)

Madaxweyanah dowlad goboleedka maamulka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen ayaa kulan la qaatay wafdi ka socday hay’adaha caalamiga ee DRC iyo IMC oo soo gaaray magaalada Jowhar.

Wafdigaan oo ay hogaaminaayeen madaxda ugu sareyso hay’adaha DRC iyo IMC ayaa kulankooda looga hadlay dar-dargalinta mashaariicda ay ka wadaan deegaanada Hirshabeelle gaar ahaan mashruuca Somali Crises and Recovery Project (SCRP) kaasoo aay kala shaqeeyaan Wasaarada Qorsheynta.

Madaxweynaha iyo qaar kamid ah golaha Wasiirrada ayaa la wadaagay meesha uu marayo msharuuca SCRP iyo hay’adda IMC oo kala shaqeysaa arrimaha caafimaadka Wasaarada Caafimaadka Hirshabeelle, iyagoo balanqaaday hay’adahaan Caalamiga ah in Dowladda Hirshabeelle ay kala shaqeynayaan sidii logu gurman lahaa dadka liita iyo xaaladaha fatahaadaha ee ka jira qeybo kamid ah deegaanada Dowladda Hirshabeelle.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dabley gaari wadatay oo goor dhow dad ku laayey xaafad ka tirsan Muqdisho

Caydiid Ali

Beesha Caalamka oo Cadaadis Xoogan ku heysa Madaxweyne Farmaajo iyo Beesha Hawiye oo …

Caydiid Ali

Oday ka tirsanaa Shaqaalaha heyadaha DF oo caawa lagu dilay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---