Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali Afduub loogu heestay Johannesburg oo lasoo bad baadiyay (Sawirro)

Ciidamada ammaanka dalka Koonfur Afrika ayaa ku guuleestay in ay soo badbaadiyaan nolosha labo muwaadin oo Soomaali ah oo afduub ahaan loogu heestay deegaan kuyaalla duleedka magaalada Johannesburg .

Kooxo hubeesan ayaa 20-maalin kahor magaalada Johannesburg ka afduubtay labo wiil oo Soomaali ah, kooxda afduubka geesatay ayaana wiilshan geesay guri ku yaala deegaanka Sebokeng ee koonfurta magaalada Johannesburg.

Laamaha ammaanka dalka Koonfur Afrika ayaa weerar ku qaaday guriga wiilshadan Soomaaliyeed lagu heestay, waxa ayna ciidamada ku guuleesteen in ay soo bad baadiyaan wiilshan afduub ahaanta maalmaha badan loo heestay.

Ciidamada ayaa sidoo kale gacanta kusoo dhigay saddex qof oo ku lug lahaa afduubka loo geestay wiilshadan Soomaaliyeed, waxa ay sidoo kale booliiska kasoo heleen guriga hub iyo agabyo kale ay adeegsan jireen kooxda burcada ah.

Kooxda afduubka u geesatay wiilshadan Soomaaliyeed ayaa horey ehelkooda uga codsaday bixinta lacag madax furasho ah, lamana sheegin ilaa hadda wax lacag ah oo la siiyay kooxda afduubka geesatay.

Waalidiinta dhalay dhallinyarada lagu afduubtay magaalada Johannesburg ayaa aad ugu farxay bad baadinta wiilshooda, waxa ayna u mahadceliyeen ciidamada ammaanka iyo cid kasta oo gacan ka geesatay soo bad baadintooda.

Dalka Koonfur Afrika ayaa lagu afduubtaa ganacsatada Soomaaliyeed ee halkaasi kunool iyo dadka loo maleeyo in hanti leeyihiin, waxaana afduubka mararka qaar la sheegay in ay ku lug leeyihiin dad Soomaali ah oo la shaqeysta burcad madow ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dhaqtar Ajanbi ah oo ku xad gudbay Gabar Soomaaliyeed oo Muqdisho ka cararay

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo kulan la qaatay Xildhibaanada iyo Wasiiradda Jubbaland ku metala DF (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Hirshabelle oo baaq degdeg ah kasoo saaray Dagaal ka socda deegaano…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---