Allbanaadir.com
NEWS

Generaal Mahad Cabdiraxmaan Aaden oo goordhaw Taliye Ciidan loo Magacaabay

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta, heshiisyo iyo siyaasado qaran oo muhiim u ah dalka.

Golaha Wasiirrada ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyey magacaabista Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aaden,oo ay soo jeedisey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka.

Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Gen. Mahad Cabdiraxmaan ayaa aqoon iyo khibrad u leh arrimaha la xiriira waajibaadka Ciidanka Asluubta, kaas oo horey u soo noqday Taliyaha Ciidanka Asluubta,

Taliye Shub ayaa iska casilay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya Sannadkii hore ,kaddib markii uu kamid noqday Xildhibaannada  Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee lagu soo doortay magaalada Baydhabo.

 

 

\

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guri ku yaalla xaafad ka tirsan Muqdisho oo soo dumay & gurmad loo sameeyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Kumuu ahaa C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng Yariisow)? Taariikh nololeedkiisa

Caydiid Ali

Qarax dad badan ku dhinteen oo ka dhacay Masaajid xilli Salaad lagu jiray (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---