Kooxo hubeesan ayaa xalay weerar dhaliyay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku qaaday xarun ganacsi oo lago magacaabo Al-Macruuf Supermarket oo kutaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Sida aan wararka ku helnay kooxaha hubeesan ee weeraray xarunta ganacsi ayaa marka hore toogtay waardiyihii xaruntaasi, waxa ayna dilka kaddib gudaha xarunta ku tuureen dhoowr bambo oo dhalisay in xarunta dab xooggan ka kaco.
Dadkii gudaha xarunta ku sugnaa ayaa waxaa soo gaaray qaarkood dhaawacyo, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku neef qabatoomay dadbka ka kacay gudaha xarunta Al-Macruuf Supermarket.
Ciidamada ammaanka iyo kooxaha gurmadka deg dega ayaa si dhaqso ah u gaaray xarunta ganacsi ee la weeraray, waxaana lagu guuleestay in la damiyo dabkii ka kacay xaruntaasi ganacsi.
Weerarkan lagu qaaday xaruntan ganacsi ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo ka dhaca dalka, waxa ayna tani cabsi ku abuureysa ganacsatada Soomaaliyeed qaarkood oo bilaabay in ay diidaan baada kooxaha hubeesan ka qaadaan.
Xarunta ganacsi ee xalay lagu weeraray magaalada Boosaaso ayaa kamid ah kuwa ugu waa weyn ee magaaladaasi kuyaalla, waxaana horey xarunta u booqday ugana adeegtay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com