Allbanaadir.com
NEWS

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo laga soo celiyay dalka Dibaddiisa oo Muqdisho laga soo dejiyay (Sawirro)

Waxaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho laga soo dejiyay muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo sannado ah ku xirnaa dalka Liibiya oo ay u tageen in ay kasii tahriibaan.

Xoghayaha Joogtada Wasaaradda arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, ayaa ku soo dhoweeyay gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho, sagaal muwaadin oo Soomaaliyeed oo dib loogu soo celiyay dalka.

Soo celinta muwaadiniintani oo ay iska kaashadeen Waaxda Arrimaha Jaaliyadaha iyo Qurbajoogta ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hey’adaha IOM iyo UNHCR ayaa ka qeyb ahaa dadaallo soo billowday 27 February, 2018 oo lagu soo daabulay boqolaal Soomaali muhaajiriin ahaa oo ku xayirnaa dalkaasi Liibiya.

Dalka Liibiya waxaa ku xiran sidoo kale ku xayiran muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaa oo dalkaasi u tagay in ay kasii tahriibaan una gudbaan waddamo kuyaalla Yurub.

Related posts

DEG DEG: Qarax weyn oo ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Beledweyne

Caydiid Ali

Midowga Musharaxiinta oo shaaciyay ineysan Farmaajo u aqoonsaneyn Madaxweyne

admin

Jilaa Caan ah oo guursaday Gabar asalkeedu Soomaali yahay !! (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---